Ogaden Info the Official website of Somali in Ogaden » Somali

ONLF: Shir Nabadeed oo Aad u Balaadhan oo ka Dhacay Nairobi
Waxaa maalintii Jamcaha ahayd shir balaadhan ku qabtay magaalada Nairobi Jaaliyada Afrikada Bari ee Somalida Ogadeeniya [JABSO]. Shirkaas oo ku saabsanaa wadahadalada nabada ee u dhaxeeya dawlada Itobiya iyo ururka ONLF, ayaa waxaa ka soo qayb galay wax garadka u dhashay dhulka Somalida Ogadeeniya ee degan Bariga Afrika.

Shirka ayaa laggaga hadlayey sidii loo taabo galin lahaa wadahadalada nabada ee socda iyo waliba hanaanka geedi socodka nabada.

Waxaa shirka ka soo qayb galay gudoomiyaha Jabhada wadaniga xoraynta Ogadeeniya [Jwxo], Eng. Salaxudin, oo hawlo shaqo u joogay Bariga mudo laba todobaad ah.

Waxaana ugu horaynba shirka lagu furay aayado Quran ah iyo wacdi diini ah, ku furay Sheekh Maxamed Dubad Xirsi Cagoole, oo si qoto dheer uga warbixiyey heshiiska Itobiya iyo ururka ONLF. Waxaa kale oo uu Sheekh Maxamed si waafi ah uga hadlay sidii ay diinta Islaamka ku soo gashay dhulka Somalida Ogadeeniya, taariikhda dariiqooyinkii fidiyey diinta oo kuligood ka soo jeeday dhulka Somalida Ogadeeniya.

Cabdulahi Qamaan Shafad, oo ka tirsan golaha dhexe ONLF, kol dhawna ka soo laabtay dalka, kana mid ahaa xubihii u tagay dalka hubinta xabad joojinta, ayaa makarafoonka lagu soo dhaweeyey. Mudane Cabdulahi Qamaan, ayaa dhiibay warbixin dheer oo ku saabsan guud ahaan, sida ay uga socodaan hawlaha nabadu dalka iyo waliba hawlaha lagu horumarinayo nolosha dadka.

Cabdulahi ayaa sheegay in uu cagta mariyey lixda gabal ee ay ONLF, dagaalada ka waday 17 sano. Wuxuu yidhi Cabdulahi “nabadu si guud ayey dalka uga hirgashay shacabka ayaan cid walba uga horeeya nabada.”

Waxaa kale oo isna shirka ka hadlay Nabad doon Axmed Sheekh Doodi, oo ka mid ahaa qurba joogta taariikh weyna ku leh halgamadii kala dambeeyey ee ka dhacay dhulka Somalida Ogadeeniya.

Mudane Doodi, ayaa sheegay in uu ka mid ahaa dadkii inta badan xabada ka ridayey dalka, ahaana masuuliyiintii Jabhadii WSLF iyo nasrulah, “wadahadal is afgarad kama horeeyo, nabaduna waa furaha nolosha” sidaas waxaa yidhi Mudane Doodi.

Waxaa kale isna halkaas tixo gabay ah oo khuseeya nabada dhaqaajiyeyna tdareenka dadka ka soo jeediyey Nabadoon, Abwaan Muxumed Cabdulahi Barkhadle oo ku magac dheer Sanweyne. Nabadoonka oo ka yimid cariga Maraykanka ayaa u soo safray kumaankum Mayl, sidii uu nabad iyo nolol ugu soo celin lahaa ummada Somalida Ogadeeniya, isaga oo ay naftiisu ku qanci wayday in uu kaligii noolaado.

Waxaa hadalka lagu soo dhaweeyey Gudoomiyaha ONLF, oo shirka ka jeediyey hadal dheer oo uu ku sharxayo siyaasada nabada ee ururka ONLF iyo waliba musaqbalka ururka, marka la kala saxiixdo heshiiska ugu dambeeya.

gudoomiyaha ayaa sheegay in uu ururka ONLF, u galay nabada danta dadweynaha Somalida Ogadeeniya, balse isaga iyo xubnaha ururkiisa midna uusan lahayn hami siyaasadeed oo ay u galeen heshiis.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu dadweynihii goobta fadhiyey u sheegay in ay nabadii keeneen iyaga oo urur ah, hirgalintiisana laga sugayo dadweynaha Somalida Ogadeeniya.

Gudoomiyuhu wuxuu hadalkiisa ku gabo gabeeyey nabada ayaa fure u ah nolol iyo wanaaga.

Ogaden.info

Hogaamiyaha Ururka ONLF, Eng Salax Cabdiraxman oo Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaya Siiyey Ideecada BBC-da.
Hogaamiyaha ONLF, Eng. Saalax, ayaa sheegay in uu shirweynihii 3aad ee ururka ONLF, uu ka dhicidoono Ceelka Gari-go,an bishan dhaxdeeda.

<object width="480" height="385"><param name="movie" value="http://www.youtube-nocookie.com/v/_BrRRBuxxlw?fs=1&hl=en_GB&color1=0x3a3a3a&color2=0x999999"></param><param name="allowFullScreen" value="true"></param><param name="allowscriptaccess" value="always"></param><embed src="http://www.youtube-nocookie.com/v/_BrRRBuxxlw?fs=1&hl=en_GB&color1=0x3a3a3a&color2=0x999999" type="application/x-shockwave-flash" allowscriptaccess="always" allowfullscreen="true" width="480" height="385"></embed></object>

Waxaa kale oo uu Hogaamiyuhu sheegay in shirweyne Qaran oo aad u weyn uu ka dhicidoono gabalka Qoraxeey. Waxaa kale oo raacidoono saxiixa kama dambaynta ah ee u dhaxeeya ONLF iyo Dawlada oo ka dhicidoona magaalada Addis Ababa.

Waraysiga oo dhamaystiran halkan ka dhagayso

ogaden.info

33 Xubnood oo ka Tirsan Cwxo oo si Nabad ah ku Yimid Magaalada Dhuxun
Duhun, [Sept 03, 2010] – War naga soo gaadhay magaalada Duhun, ee gabalka Nogob ayaa xaqiijinaya in maalintii talaadada ahayd ee bisha August 31, 2010 ay si nabad ah ku yimaadeen magaalada 33 xubnood oo ka tirsan Cwxo iyo 2 sarkaal.

Ciidanka ONLF, ee soo gaadhay magaalada dhuxun oo ay tiradoodu gaadhayso 35 xubnood, ayaa waxay sheegeen in markii uu soo gaadhay fariinta madaxda ONLF ee nabada ay aqbaleen.

Waxay sheegeen saraakiishu in markii ay diyaargaroobeen uu Throyya kula soo xadhiidhay Cabdi Cabdulahi oo jooga xerada qaxootiga ee Xagardheer uuna u sheegay in ayna maqal fariinta la soo gaadhsiiyey.

Saraakiisha ayaa codsatay in uu Cabdi Cabdulahi ama cid ka socota isaga in ay u timaado, si ay u hubsadaan arimaha uu sheegayo, waxayna sugayeen mudo bil ah.

Bare Dhicis oo ah ninka ciidanka watay ayaa sheegay “waxaanu waynay cid noo timaada telefoon mooyee, waxaanan ogaanay in aanaan telefoon ku shaqayn karin.”  Waxaanu la soo xidhiidhnay wakiilka nabada ee ururka ONLF, u jooga magaalada Fiiq, wuxuuna na yidhi “imaada xiliga aad go,aansataan.”

“Sidaasi ayaanu ku nimid magaalada Dhuxun, waana na lagu soo dhaweeyey” ayuu yidhi Bare Dhicis. Waxaana nala jooga madaxda ONLF, ee wada nabada uu qaatay ururka ONLF.

Ogaden.info

Wafti Balaadhan ah oo uu Hogaaminayo Fu,ad Cabdiqadir Farax Xidhkayoome, oo Booqasho Shaqo ku Jooga Magaalada Wardher ee Gabalka Doolo.
Wafti balaadhan, oo uu hor kacayo gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada ee ururka ONLF, Mudane Fu,aad Cabdiqaadir Faarax [xidhkayoome], oo baryahanba hawl shaqo u joogay gabalka Doolo, ayaa maanta waxay booqdeen degmada Danood, oo ka tirsan gabalka Doolo.

Waftiga oo mudo ku sugan gabalka Doolo, ayaa waxay waftiga cagta mariyeen dhamaan degmooyinka uu ka kooban yahay gabalka Doolo.

Waftigan oo ka mid ahaa waftigii ONLF,ee u joogaday gudaha Ogadeeniya hubinta xabad joojinta iyo wargalinta dadweynaha wadahadalada nabad ee u dhaxeeya dawlada iyo ururka ONLF.

Waftiga ayaa intii ay joogeen gabalka Doolo, waxay halkaasi kula kulmeen masuuliyiinta cwxo iyo xubno aad u tiro badan oo ka tirsan cwxo oo iyagu qaatay awaamiirtii madaxda Jabhada ONLF. Cwxo, ayaa waxay ku sugan yihiin xeryo looga diyaariyey magaalada Wardher, kuwaas oo halkaas ku sugnaandoona inta laga gaadhayo saxiixa heshiiska ugu dambeeya.

Waftiga ayaa kolka ay dhamaystaan hawlahooda shaqo waxay tagi doonaan magaalada Jijiga halkaas oo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo shaqo oo loogu diyaar garoobay shiweynihii Jabhada ONLF, oo ka dhici doona gudha Ogadeeniya.

ogaden.info

Xoghayaha Gaashaandhiga ee ONLF, Xuseen Mursal Kaahin iyo Wafti la Socda oo Gaadhay Tuulada Garsley
Dhuxun – [Aug 20, 2010] – Xoghayaha gaashaandhiga ee Jabhada wadaniga Xoraynta Ogadeeniya [Jwxo] [ONLF], N/hure Xuseen Mursal Kaahin iyo xubno ka tirsan golaha dhex ONLF, ayaa maanta gaadhay Tuulada Garasley oo ka tirsan degmada Dhuxun ee gabalka Nogob.

Xogahay gaashaandhiga iyo masuuliyiinta la socota, ayaa aad loogu soo dhweeyey Tuulada Garasley, halkaas oo looguna Qalay maanta 5 neef oo Geela iyaga oo kula qadeeyey cwxo ee jooga tuulada, Odayaasha dhaqanka ee magaalada dhuxun iyo kuwa tuulada Garasley.

Xogahaya gaashaandhiga ee ONLF iyo waftiga la socda ayaa waxay baryahanba socdaal shaqo ku joogeen gabalka Nogob, si ay u hubiyaan hirgalinta xabad joojintii ay Jabhadu ku dhawaaqday bishii Juune 2010 badhtamaheedii.

Gabalka Nogob ayaa waxaa uu ka mid ahaa gabalada ay Jabhada ONLF, ku leedahay saldhigyada ee sida aadka ah uu halganku uga socday sanooyinkii ugu dambeeyey. Xoghaya gaashaandhiga ayaa waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii ka hawlgali jiray gabalada Nogob, Shabeele, Jarar iyo Qoraxey intii ayna Jabhadu ku dhawaaqin wadahadalada Nabada ee ay la wado dawlada.

Xoghaya, ayaa waxaa uu halkaas kula kulmay maanta saraakiisha cwxo, ee ka hawlgali jiray gabalka Nogob, waxaana uu u faahfaahiyey meesha ay marayaan wadahadalada Nabadu iyo waliba wax looga baahan yahay cwxo.

Xoghaya ayaa hore uga furay xero ay degayaan cwxo, oo ku dhextaal magaalada Xamaro ee gabalka Nogob. Waxaa kale oo xoghayuhu kaga qayb galay todobaadkii hore magaalada Fiiq, dabaal deg loo samaynayey sanad guuradii 26 aad ee ka soo wareegtay aas aaskii ururka ONLF.

Dadweynaha gabalka Nogob ayaa si weyn u soo dhaweeyey wadhadalada nabada. Cwxo ee gabalka Nogob ayaa isana gabi ahaanba soo dhaweeyey wadhadalada nabada ee u dhaxeeya ururkooda iyo dawlada.

Ogaden.info

Baaq Taagero: Wadahadalada Nabada ee ONLF iyo Itobiya oo ay Soo Saareen Waxgaradka Gabalka Shabeele [gode]
Gode – [Aug 19, 2010] – Waxaa maalintii shalay ahad ka dhacay magaalada Godey ee xarunta gabalka Shabeele, banaanbax aad u balaadhan oo ay sameeyeen dadweynaha magaalada Godey, oo lagu taageerayey wadahadalada nabada ee u dhaxeeya ururka ONLF iyo dawlada Itobiya.

Gabalka shabeele oo ka mid ah gabalada ugu hodansan dhulka Somalida Ogadeeniya, ayey dadweynah gobolka degan yihiin dadka ugu nabada jecel dhulka Somalida Ogadeeniya.

Gabalka Gode oo ah gabalkii martigaliyey wadhadaladii nadabada ee u dhaxeeyey dawlada Itobiya iyo ururka UWSLF, ayaa waxaa aad loogu amaana gacantii ay ka gaysteen nabada ka amaba qaaday dhulka Somalida Ogadeeniya.

Banaanbixii ka dhacay shalay magaalada Godey ayaa waxaa hadalo ka jeediyey waftigii nabada ee ONLF, oo ay ka mid ahaayeen xubno ka tirsan gudiga fulinta ee golaha dhexe ONLF, oo ay ka mid yihiin, Cabdi-nuur Maxamed Sooyaan, Xasan Cabdi Kaahin iyo Cabdulahi Qamaan.

Waxaa kale oo ka hadlay banaanbax, hogaamiye dhaqameedyada u dhashay gabalka Shabeele, in kasta oo uu dibada ku maqan yahay Ugaaska gabalka shabeele Ugaas Cabdiraxmaan Muxumed Qani.

Waxgaradka gabalka Shabeele, ayaa waxay soo saareen baaq taageero ah oo ay ku taageerayaan wadahadalada nabada ee u dhaxeeya dawlada Itobiya iyo ururka ONLF.

Baaqa wargaradka ayaan wali isaga oo qoraal ah na soo gaadhin, balse telefoon naloogu sheegay baaqooda.

Ogadeninfo

War Saxaafadeed: Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeeniya [Jwxo]
Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeeniya [Jwxo], Waxay uga digaysaa Gudoomiyihii Hore ee ONLF, in uu ka baxo dambiyada uu maleegayo ee ka dhanka ah madaxda ONLF.

Gudoomiyhii hore ee ONLF, Admiral Maxamed Cumar Cismaan, ayaa markii laga qaaday xilka gudoomiyenimo July 2007, waxaa uu ka dhago adaygay in uu raaco shuruucda ay Jabhadu leedahay.

Admiral Maxamed Cumar Cismaan, waxaa uu bilaabay hawlo ka dhan ah halganka ay wado ONLF. Waxaa uu islamarkii xilka laga qaadayba bilaabay in uu qaybiyo cwxo, ee dagaalka ku jiray isaga oo kala diray wixii aan beeshiisa ahayn. Waxaa kale oo uu ku xidhmay ganacsato beeshiisa ah oo uu waydiistay in ay bixiyaan masaariifta ciidankiisa. Waxaa uu dambada la galay xukuumada Eritrea oo uu ka helayey hub iyo saanad ciidan, si ay ugu fulaan arimo dagaal oognimo oo uu ku burburinayo Jabhada ONLF.

Cwxo ee gudaha ku jiray, oo aan markii xilka laga qaaday Maxamed Cumar Cismaan, fursad u helin in ay la kulmaan masuuliyiinta cusub ee ONLF, ayaa u adkaysan waayey arimaha foosha xun ee uu ka dhaxsameeyey cwxo, waxayna baneeyey xeryihii ay fadhiyeen ciidanku lahaa.

Admiral Maxamed Cumar Cismaan, waxaa uu amarku siiyey ciidankii beesha ahaa ee uu ku uruursaday gudaha in ay dilaan masuuliyiinta ONLF, ee ay siyaasada isku hayaan.

Amiral Maxamed Cumar Cismaan oo taageero ciidan iyo dhaqaale ka helay Eritrea, waxaa uu kula jeedsaday dagaal Jabhada ONLF iyo Jabhada Somali Galbeed. Waxaana uu sanadkii 2007/8 dilay Naftood hurayaal badan oo dagaal kula jiray dalka Itobiya.

Admiral Maxamed Cumar Cismaan, waxaa uu siyaabo kala duwan ku dilay intii uu xilka gudoomiyenimo hayey masuuliyiintii ugu saraysay Jabhada ONLF, oo ay ka mid ahaayeen Xasan Kayd, Deeq Cabdiraazin, Sheekh Bashiir iyo kuwa kale oo badan.

Sanadkii 2008, waxaa uu si badheedh ah u dilay naftood hurayaal badan oo ay mid ahaayeen masuuliyiintii ururku Jamaal Faarax Odal iyo Dr. Maxamed Siraad Dolal, oo hawlo Jabhadeed u joogay Ogadeeniya.

Jabhada ONLF, kolkii ay maramr badan kala hadashay Admiral Maxamed Cumar Cisman in uu joojiyo hawlaha ka dhanka ah halganka oo ka dhago adaygay. Waxay ugu dambayntii Jabhadu kiiskiisa u gudbisay Maxkamada cadaalada ee ONLF, August 20, 2009 si wax looga waydiiyo dambiyada uu halganka ka galay, Admiral Maxamed Cumar Cismaan wuu diiday in uu la hadlo Maxkamada Cadaalada ee ONLF.

October 1, 2009 Maxkamada Cadaalada ee ONLF, waxay soo saartay go,aan maxakamadeed oo ay qodobadiisa ka mid ahaayeen;

1. Admiral Maxamed Cumar Cismaan waxaa laga caydhiyo xilkii golaha dhexe ee ONLF,

2. In uu soo celiyo wax alaale wixii hanti ah ee ku jirtay xisaabta Dubai, taas oo la ogaaday in uu si qarsoodi ah uu uga furtay Dubai, magac dad ay ehel yihiin.

3. In uu soo celiyo lacagtii uu ka helay qalab ciidan oo ay Jabhadu lahayd oo uu ka iibiyey Maxkamadihii Islamiga ee Somaliya, lacagtaas oo qaar ka mid ah ay kolkii dambe gashay gacanta Itobiyo, ka dib kolkii lagu qabtay Bashiir Axmed Makhtal.

4. In lagu qabto Admiral Maxamed Cumar Cismaan meel walba oo ay Jabhada ONLF, awood ku leedahay si sharciga loo hor geeyo.

5. In la helo dadweynaha shacabka ah ee uu waxyeelada u gaystay si ay u helaan cadaalada dambiyada uu u gaystay.

Wali Jabhada ONLF,uma ayna suurto galin in Admiral Maxamed Cumar Cismaan uu soo celiyo hantida loo haysto ee Jabhada [hanti qaran] amaba in cadaalada la hor keeno si wax looga waydiiyo dilal badan oo uu ka gaystay Ogadeeniya.

Admiral Maxamed Cumar Cismaan, oo degan dalka Ingriiska wali dambiyadii uu ka galayey ummada Somalida Ogadeeniya ma uusan joojin, waxaana uu wali amaraa koox yar oo si beel ah ula socota, si ay u galaan dambiyo ka dhan ah ummada Somalida Ogadeeniya si guud iyo si gaarba.

Admiral Maxamed Cumar Cismaan, waxaa uu lacag ku bixiyey in la khaarajiyo gudoomiyaha Jabhada ONLF, Eng. Salaxudin Cabdiraxmaan Xaaji Macow, oo ku jira hawlo Jabhadeed.

Jabhada ONLF iyo dawlada Itobiya ayaa waxaa xiligan u socda wadahadalo nabadeed oo ku saabsan mustaqbalka dhulka iyo dadka Somalida Ogadeeniya, wadahadalada nabada waxaa aad u soo dhaweeyey dadweynaha Somalida Ogadeeniya.

Admiral Maxamed Cumar Cisman iyo kooxdiisa suurto gal uma aha in ay tagaan geeska Afrika, sababtuna waa dunuubta ay ka galeen dadweynaha Somalida Ogadeeniya iyo burburintii halganka ay waday Jabhada ONLF. Nasiib daro waxaa ah in iyaga oo dibadaha joogo ay diraan lacago ay ugu talo galeen in lagu fuliyo fal dambiyeedyo lagu waxyeelaynayo masuuliyiinta Jabhada ONLF iyo dadweynaha nabada jecel, lacagahaas ayaa la siiyaa dad madax-gaabni ah si ay dambiyo u galaan.

Waxaa dhawaan lagu qoray boggaga Internetka ee wax u qora Admiral Maxamed Cumar Cismaan, amar uu bixiyey isagu oo ah in la khaarajiyo gudoomiyaha Jabhada ONLF, Eng. Salaxudiin Cabdraxmaan Xaaji Macow.

Jabhada ONLF, waxay uga digaysaa dhalinyarada reer Kenya iyo kuwa reer Ogadeeniya ee uu isticmaalyo Admiral Maxmed Cumar Cismaan, in ay ka fogaadaan arimaha uu maleegayo Admiralku, sababta oo ah kolka ay dambiga galaan wuxuu ku ekaan dambigu iyaga iyo eheladooda, sidaas daraadeed waa in ay ka fogaadaan Admiral Maxamed Cumar Cismaan si uusan lugta ugu maran.

Dambiiluhu ka mid ma aha ummada Somalida Ogadeeniya iyo halganka ay wado Jwxo.

Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeeniya [Jwxo]

Xafiiska Arimha Dibada

Midnimo, mintid, isku tashi, guul iyo gobonimo

Hogaanka Dhaqaalaha ONLF Ardo iyo Gudoomiyaha Haweenka Dahabo oo Booqday Hoteelka uu Dhaxsinta ku Ahaa Gudoomiyaha ONLF.
Minneapolis – Wararka ka imanay Minneapolis, ayaa sheegaya in gudoomiyaha ONLF, Eng. Salaxdin Cabdiraxman oo dhaxsin ku ahaa hoteel ku yaal Airport-ka Minneapolis in ay booqasho ugu tageen Hogaanka Dhaqaalaha ee ONLF, Ardo Sheekh Yuusuf oo ay weheliso gudoomiyaha haweenka Somalida Ogadeeniya [somali Ogaden women SOW] Dahabo Xareed.

Waxaa ay masuuliyuuntu booqasho sharaf ugu tageen gudoomiyaha xili uu dhaxsin ku ahaa Hotel ku yaal garoonka diyaaradaha ee Minneapolis.

Masuuliyiinta ayaa ugu tagay gudoomiyah dardaaran iyo wad tashi, ayaa waxay is dhaafsadeen hadalo dardaaran iyo talo isugu jira.

Waxaana uu gudoomiyuhu kula dardaarmay in ay masuuliyiintu xoojiyaan hawlaha ay Jabhada uga hayaan Waqooyiga Maraykanka, una bandhigaan sharaxaada wadahadalada nabada ee uu ururku ku jiro.

Ogaden.info

Xuskii Sanad Guuradii 26aad ee ONLF, oo Lagu Qabtay Magaalada Dhagaxbuur
Shir aad iyo aad u balaadhan oo lagu xusayo sanad guuradii 26aad ee ka soo wareegtay aas aaskii ururka ONLF, oo maalintii shalay ahayd lagu qabtay Magaalada Dhagaxbuur, ayey dadweyne aad badan ka soo qayb galeen.

Aas aaska xuska ururka ONLF, oo lagu qabto gudaha Ogadeeniya waxaa ugu dambaysay sanadkii 1993, xiligaas oo ahay markii uu ururka ONLF ku guulaystay doorashadii ka dhacday dhulka Somalida Ogadeeniya.

Magaaladada Dhagaxbuur ayaa markii ugu dambaysay oo xus loogu sameeyo ONLF ay ahayd August 16, 1993, waxaa ka mid ahaa madaxdii ONLF ee xiligaas dadkii xuska ka qayb galay la hadlay Siyaad Badri iyo Taflow, oo labadooduba ka soo jeeday degmada Dhagaxbuur.

Shirka shalay ka dhacay magaalada Dhagaxbuur ee lagu xusayey sanad guuradii 26aad ee ka soo wareegtay aas aaskii ururka ONLF, ayey dadweynuhu uga soo qayb galeen si aan caadi ahayn. Dadweynaha ka soo qayb galay xaflada ayaa qaadan waayey in xus loogu sameeyo magaalada Dhagaxbuur ururuka ONLF, oo colaad kula jiray dawlada Itobiya mudo 16 sano ah.

Calanka ururka ONLF iyo calaamadihiisa ayaa laga lulay geedaha, laguna sharxay miisaska ay fadhiday masuuliyiintu. Dadweynaha ayaa aad u farxaxay kolkii ay soo hor istaageen madaxdii ONLF ee hawlaha nabada ka waday dhulka Somalida Ogadeeniya, oo hore u booqday magaalada dhagaxbuur.

Waxaa shirka khudbado dhaadheer ka jeediyey masuuliyiin ka socotay gudiga fulinta ee golaha dhexe ee ururuka ONLF iyo kuwa ka tirsan golaha dhexe. Masuuliyiintii ka hadashay waxaa ka mid ahaa Gudoomiye xigeenka 2aad ee ONLF, Cabdirashiid Macalin Maxamed, oo si qoto dheer uga hadlay nabad uu ururku qaatay iyo sababaha keenay iyo waliba sida loogu baahan yahay in ay dadweynuhu hirgaliyaan.

Maxamed Faarax Colow, oo aad u sharxay taariikhda halgan ee ururka ONLF iyo xiliyadii uu soo maray. Mudane Colow ayaa ugu bishaareeyey dadweynaha in muddo 16 sano ah ka dib ay nasiib u heleen dadweynaha reer Dhagaxbuur in lagu xuso 26 guuradii aas aaskii ONLF.

Waxaa kale oo isna xuska 26 guurada ONLF, ka hadlay Daahir Private, oo ka mid ah saraakiish ugu saraysa ee cwxo, oo furinta ku jiray mudo dheer, kana mid ahaa saraakiisha hogaaminta dagaalka, Private waxaa uu ka mid ahaa masuuliyiinta loo yeedhay si ay nabada uga qayb qaataan. Daahir, waxaa uu u sheegay dadweynaha reer Dhagaxbuur in uu ka mid ahaa ragii dagaalka waday, balse uu haatan dhamaaday dagaalkii ka dib kolkii uu ururka ONLF qaatay nabad, wuxuu yidhi Daahir waxaa la idiinka baahan yahay in aad taageertaan nabada.

Waxaa kale oo shirka ka hadlay wax garad ka socday dadweynaha reer Dhagaxbuur iyo waliba taageerayaasha ururka ONLF, ee jooga magaalada.

Dhamaan dadkii meesha ka hadlay ayaa waxay sheegeen in ururka ONLF, nabada uu qaatay ay tahay guul u soo hoyatay dadweynaha. Waxayna sheegeen in cidii taageeri jirtay ururka uu ururku nabad qaatay loona baahan yahay in taageerayaashiisu ay taageeraan nabada uu qaatay urururku.

Waftiga ka qayb galay xuska sanad guurada 26aad ee ONLF, ayaa ahaa gudigii nabada ee ONLF, waxayna hore shir ugu qabteen tuulooyinka Sasabane iyo Huuraale oo ka tirsan gabalka Dhagaxbuur.

Sawirada shirka gadaal baan idiinka soo dayn doonaa.

Ogaden.info

Waftigii ONLF, ee Booqanayey Jaaliyadaha Somalida Ogadeniya ee USA, oo ka Degay Minneapolis
Waftigii uu hogaaminayay Gudoomiyaha ONLF, Eng. Salaxudiin Cabdiraxmaan iyo wakiilka ONLF ee dalka Canada Cabdi Aadan Xasan, ee baryahan socdaalka ku marayey gabalada Maraykanka ee ay degan yihiin Jaaliyadaha Somalida Ogadeeniya oo shalay duhurkii ka degay magaalada Minneapolis ee gabalka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Waftiga ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Minneapolis, iyada oo ay garoonka kaga hor yimaadeen dadweyne badan, gudoomiyaha Jaliyadaha gabalka Mineasota Maxamed Cabdimahad iyo masuuliyiin ka tirsan gudiga fulinta ee golaha dhexe ee ururka ONLF.

Waftigti ayaa waxay wadahadalo nabadeed kaga qayb galeen magaalada Washington. Waftiga ayaa kolkii uu u dhamaaday wada xaajoodkii ay la galeen dawlada Itobiya, ayey bilaabeen in ay la kulmaan Jaaliyadaha ka soo jeeda dhulka Somalida Ogadeeniya ee dagan gabalada kala gadisan ee Maraykanka.

waftiga ayaa waxay hore ula soo kulmeen Jaaliyada Somalida Ogadeeniya ay ku leedahay magaalada Washington. Waxaa kale oo ay waftigu kulamo la qaateen Jaaliyada gabalka california magaalada San Deigo ee dalka Maraykanaka.

Waftiga ayaa inta ay joogaan Magaalada Minneapolis waxay kulamo la yeelan doonaan Jaaliyada Somalida Ogadeeniya ay ku leedahay magaalada Minneapolis ee gabalka Minneasota.

ogaden.info