Ogaden Info the Official website of Somali in Ogaden » Jaaliyadka

Somali Ethiopian Community [SEC] oo Soo Dhawaysay Siidaynta Cabdi-Nuur Maxamed Sooyaan iyo Xubnaha Kale.
Jaaliyada Somalida Itobiya [JSI] ee dalka Denmark oo soo dhawaysay maxaabiista siyaasada u xidhnayd ee lasii daayay mar labaadna hambalyo u dirtay madaxwaynaha D.D.S Mudane Cabdi Maxamed Cumar.

Jaaliyada soomalida Ethipia ee dalka Danmarka ,waxay si kal iyo laab ah ku soo dhawaynaysaa talaabda geesinimada leh ee durda uu qaaday madaxwaynaha D.D.S, taasoo uu cafis ugu fidiyay maxaabiis mudo dheer u xidhnayd arimo siyaasadeed.

Gudiga jaaliyada iyo golaheeda guud waxay dhiiri galinayaan soona dhawanaynayaa hawlaha nabad raadinta ah ee kasoconaya deegaanka ay kasoo jeedaan,waxaa sidookale ay jaaliyadu soo dhawaynaysaa saraakiisha ururka ONLF ee wadahadalka jijiga u jooga ,waxayna ku amaanaysaa saraakiisha ururkaas doorka ay ka qaateen siidanta maxaabiista uu ka midka yahay C/nuur Sooyaan.

Waxay jaaliyadu si 100% u rajaynaysaa safar wanaagsan gudoomiyihii jaaliyada S.E.C, Mudane Dhuux oo dalkii hooyo ugu maqan safar u kuur galah, taasoo looga gol leeyahay bal wax ay jaaliyadu u qaban karto mustaqbalka bulshada ay kasoo jeedo hadii ilaahay idmo kol hadii ay dalkii ka curatay nabad mudo dhee loo oomanaa dal iyo dibadba.

Xoghayaha Jaaliyada

Mudane C/llahi Yusuf  (Bashaar)

Ogaden.info

Shir Lagu Taageerayey Wadahadlka Nabada ee Dhexmaray ONLF iyo Itobiya oo Lagu Qabtay Minneapolis, Maraykanka
Shir si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay isugu yimaadeen dhamaan bulshada Somalida Ogadeeniya qaybaheeda kala duwan ee ku nool magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis/St.Paul, Minnesota oo lagu tageerayey wadahadalkii nabadda ee dhawaan dhex marey Jabhadda ONLF iyo dawladda Ethiopia.

Sida caadada aheyd shirka waxaa lagu furey aayado qur’aan ah iyo wacdi diini ah oo ku haboonaa ujeeddada shirka iyo hadafka ka danbeeya ee la’hig sanayo, iyo waliba ducooyin aad u wanaagsanaa oo taabanaayey baahida loo qabo nabaddan bilowga ah ee ay isla gaadheer labada dhinac ee ONLF iyo dawladda Ethiopia. Wacdigaa oo runtii aad u taabanaayey midnimada wanaaga ay leedahay guud ahaan, gaar ahaana haddii arintan nabadda si wada jir ah looga shaqeeyo in ay si wanaagsan u taabo gali karto.

Markii wacdigii iyo alle ka cabsigii dhamaadey, waxaa microphoneka la wareegey naftii-hurre Nuure Abdi Dool oo loo yaqaano “NUURE”. Naftii hure nuure waxa uu ka sheekeeyey sidda jabhada ONLF halganka u bilowdey iyo kooxdii ugu horeysey ee dibada u baxda oo uu isagu shaqsiyan ka mid ahaa. Waxaa uu halgamahu si qotodheer uga waramey marxaladihii adkaa ee ONLF ka soo gudubtey iyo heshiiska hadda hordhaca ah ee bilowdey wanaaga uu u leeyahay umada soomalida Ogadenia. Hadalkiisii waxaa ka mid ahaa “Dagaal walba waxaa ka danbeeya wadahadal iyo is fahan, waana middaa ta eegga bilaabatey ee ONLF iyo dawlada Ethiopia ay isla qaateen.”

Intaa kadib, waxaa shirka khadka telefoonka kaga soo qeybgaley Guddoomiyaha Jabhada wadaniga xoreynta ogadenia “ONLF” Eng. Salahadiin Abdirahman macow. Guddoomiyuhu waxaa uu si faahfaahsan uga waramey meesha ay wax marayaan iyo xaalada guud ee gobolka iyo baahida shacabku u qabo nabada. Waxuu guddoomiyuhu xusey iney arin diini ah tahay in laga dhiidhiyo dhibaatada shacabka maslaxadiisana dhinacey ku jirtaba laga raadiyo, maantana ay tahay in shacabku u baahan yahay nolol iyo horumar oo aan siddaas u qaadaney heshiiska.

su’aalo badan oo telefoonka lagu weydiiyey guddoomiyaha ONLF Eng. Saluxuddiin, si waafi ah ayuuna ooga wada jawaabey oo waliba qeexan qof kastaana isaga oo qanacsan ayuu kursigiisii ku laabtey.

Hadalkii guddoomiyuhu markuu dhamaadey, waxaa microphoneka qabsatey Ardo Sheekh yuusuf oo ku magacdheer “Ardo Waliyo”. Ardo oo qayb ka aheyd dhamaan abaabulkii nabadeed ee ay wadagaleen ONLF iyo dawlada Ethiopia. Waxey ardo si mug leh u sharaxdey in loo midoobo nabada iyo horumarka, lagana faa’iideysto wakhtiga iyadoo lala soconayo kolba xaalku meesha uu marayo iyo fursadaha nabadeed ee inala gudboon.

Waxaa kale oo meesha ka Hadley rag iyo dumar taariikh dheer ku lahaa halgankii WSLF iyo ka ay ONLF hogaamiso. Waxaana ka mid ahaa

1. Dr. Abdi Aar Sahal Dhuux

2. Suldaan Mohamed Badde

3. Mohamud Farah Cigaal

4. Sheekh Badh-balaadhshe

5. Muhumed Caabi

Iyo odayaal badan oo kale.

ogaden.info

Jabhada ONLF oo shir Aad u Balaadhan ku Qabatay Magaalada Nairobi, Kenya
Shir aad u weyn oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa maalintii shalay ahayd June 24, 2010 ka dhacay magaalada Nairobi, Kenya kaas oo ay isugu yimaadeen xubno sare oo ONLF ah iyo taageerayaasha ururka oo lagu taageerayay wadahadalkii nabadeed ee June 12-13, 2010 ka ka dhacay dalka Germany. Halkan ka Daawo Sawirada Shirka

Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay dadweyne aad u badan oo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada Somalida Ogaadeeniya ee ku dhaqan wadanka Kenya.

Fadhiga wargalinta iyo wadxaajoodka ah ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan ururka ONLF, kuwaas oo goobta ka jeediyey hadalo isgu jiray warbixino ku saabsan wadahadalka nabada. Ururka ayaa Dadweynaha iyo taageerayaasha ka dalbay in ay wixii talo ah ee la xidhiidha wadahadalka iyo heshiiska ay u soo gudbiyaan maamulka iyo masuuliyiinta ONLF ee ku sugan dalalka ay degan yihiin.

Waxaa shirka gudoominayay madaxa Jaaliyadda Afrikada Bari ee Somalida Ogadeeniya [JABSO], Mudane Axmed Macalin Carab, waxaana shirka lagu furey Aayado Quraan ah iyo wacdi diini ah oo uu jeediyey Dr. Inshaar.

Wacadiga ka dib, waxaa makarafoonka lagu wareejiyey Afhayeenka ururka ONLF Maxamed Faarax Coloow, oo ka sheekeeyey hanaankii uu ku bilowday wadahadalka nabadeed ee dhacay, waliba wajiyada uu soo maray iyo talaabooyinka xigi doona si loo gaadho heshii kama dambayn ah.

Masuuliyiinta ONLF ee madasha ka hadasha hadalada ka jeedisay kana warbixisay mawqifka siyaasadeed ONLF iyo hanaanka ka ku socon doono geedi socodka wadahadalka nabada ee u dhaxeeya dawlada Itobiya iyo ururka ONLF iyo waxa looga baahan yahay jaaliyaadka waxaa ka mid ahaa:

1. Hogaanka gaashaandhiga ee ONLF N/hure Xuseen Mursal Kaahin [xuseen weyne]

2. Hogaanka Xidhiidhka Jaaliyaadka iyo arimaha bulshada Xasan Cabdi Kaahin [Ilka-case]

Warbixinada masuuliyiinta ONLF ka dib, waxaa hadalkii lagu wareejiyey dadweynihii ka soo qayb galay shirka oo ay ka mid ahaayeen; hogaamiye dhaqameedyada, Aqoonleeyda iyo waxgaradka Somalida Ogadeeniya ee ka soo qayb galay kulanka in ay taladooda ka dhiibtaan.

Waxaana ugu horeeyey oo ka hadlay kulanka Muxumed Cabdullaahi Barkhadle, oo ka sheekeeyey marxaladihii wadanka iyo silsiladdii halgamada ee soo maray dhulka Somalida Ogadeeniya.

Odayaashii madasha ka hadlay kana soo jeediyay hadalada miisaanka leh waxaa iyaguna ka mid ahaa;

1. Siraaje Islaan Fanato

2. Abdow Xuseen Guyow

3. Muxumed Coloow iyo qaar kale oo badan

Dhamaan dadweynihii iyo odayaashii shirka yimid waxay amaaneen soona dhaweeyeen wadahadalka nabadda ee ururka ONLF la gaadhay dawlada Ethiopia. Waxayna ku dardaarmeen in ummada Somalida Ogadeeniya ay u soo jeedsato siddii dalka iyo dadkaba wax loogu qabanlahaa loogana wada shaqayn lahaa dhinaca wanaaga.

Gabagabadii shirka waxaa duco uu ugu ducaynayo dalka iyo dadka Somalida Ogadeeniya iyo waliba guul ku dhamaansha wadahadalka nabadeed ee socda ku soo khatimay Sheekh Cali Cabdullaahi Xirsi[Cali Guhaad].

Waxaanu idiin soo gudbin doonaa warmurtiyeedkii shirka iyo waliba sawiradii

Ogaden.info

Hogaamiyeyaasha Dhaqanka ee Ismaamulka Somalida oo Soo Dhaweeyey Ururka ONLF oo Wadahadal Nabadeed la Galay Dawlada Dhexe ee Itobiya
Oi – [Jijiga June 22, 2010]  Hogaamiye dhaqameedyada Ismaamulka Somalida oo isugu jira Ugaasyada, Suldaamada, Garaadyada, Caaqilada, Islamyada iyo wax garadka ayaa kolkii ugu horeysay dhambaal hambalyo ah oo nabadeed u soo diray ururka ONLF, iyaga oo ugu bogaadiyey go,aanka geesinimada leh ee uu ururku qaatay.

Hogaamiyeyaasha ayaa in badan waxaa ay geed dheer iyo geed gaaban u fuuleen sidii ay isugu keeni lahayeen dawlada iyo ONLF si ay nabad uga dhex ridaan, nasiib daro labadooduba way ku madax adaygeen.

Hase yeeshee Hogaamiye dhaqameedyadu waligood kama daalin dadaalkooda nabadeed ee ku aadan sidii uu dalku nabad u noqon lahaa, iyada oo aan la duudsiyeynin xaqa dadweynaha ay matalaan.

Wadahadalka nabadeed ee u socda ururka ONLF iyo dawlada Itobiya, ayaa waxaa lug weyn ku lahaa wax garad ka soo jeeda Ismaamulka Somalida Ogdeeniya.

Waxaana uu ka turjumayaa hambalyadan ay maanta soo direen hogaamiye dhaqameedyadu in ay ku guulaysteen dadaalkoodii dheeraa ee nabad doonimada ahaa. waxaana halkan hoose ku taxan magacyada qaar ka mid ah oday dhaqameedyada ONLF u diray Hambalyada;

* Garaad Maxamuud Dool

* Ugaas Maxamed Axmed Siciid Cirro

* Gaboobe Daahir Nuur

* Cabdiqaadir Axmed Hurre

* Ugaas Badal

* Yuusuf Kaahin

* Suldaan Cabdulaahi Galool

* Garaad Cabdiqani Cusmaan

* Ugaaas Cabdisalaan

* Ugaas Maxamed Badal

* Sheekh Muxiyadiin Sheekh Maxamed

* Ugaas Axmed Xaaji Cumar

* Ugaas Diiriye Ugaas Askar

* Ugaas Maxamed Ugaas Faatule

* Suldaan Maxamed Xasan Gabaaba

* Suldaan Cabdiraxmaaan Duulane

* Suldaaan Cabdiraxmaan bade

* Suldaan Aadan Yuusuf Taani

* Xirsi Ismaaciil Muuse

* Sheeklh Axmed Yuusuf Ismaaciil

* Xaaji Maxamed Ibraahin

* Ugaas Xasan Suldaan Biixi

* Maxamed Xaaji Ciise

* Sheekh Cabdulaahi Yare

* Suldaan Badal Daahir

* Ibraahin Sheekh Ismaaciil

* Maxamuud Muxumed Axmed

* Suldaan Cabdi Qani Axmed Dheeg

* Suldaan Shaqale Cali Dheere

* Suldaan Axmed Nuur Cabdiraxmaan

* Axmed Raabi Yeey

* Suldaan Buseeri Nimcaan

* Garaad Axmed Rashiid Af Waranle

* Caaqil Qiyaas Xuseen Nuur

* Axmed Xaaji Cumar

* Axmed Yuusuf Ismaaciil

* C-qaadir Axmed Hure

* C-qaadir C-laahi Daahir

* Caaqil Seeraar Nuur Xirsi

* Halgame- C-laahi Gamaas Xasan

* Sh-Muxiyadiin Sh-Maxamed Sh-Muuse

* Suldaan Badal Suldaan Daahir Suldaan Ismaaciil

* Suldaan C-casiis Suldaan Maxamud Haybe

* Suldaan Farxaan Maxamed Macalin

* Suldaan Maxamed Xasan Gabaabe

* Suldaan Xasan Suldaan Biixi

* Suldaan Yuusuf Kaahin Yuusuf

* Ugaas C-salaan Ugaas Muxuxmed Ugaas Cumar

* Ugaas Cabdi Ugaas Maxa’ed

* Ugaas Haaruun Ugaas Dacar Ugaas Bucul

* Ugaas Maxamed Badal Ugaas Cabdi

* Ugaas Nuur Cali Rooba

* Xaaji Maxamed Ibraahim Muxumed

Ogaden.info

Kulan Taageero ah oo ay Qabatay Jalayida Somalida Ogadeeniya ee Gabalka Estan
Kulan aad u balaadhan oo ay soo qaban qaabisay Jaaliyada Somalida Ogadeeniya ee gabalka Estan, ayaa maanta June 17, 2010 ka dhacay halkaas. Kulankaas oo ahaa taageero iyo soo dhawayn wadhadalka nabadeed ee dhex maray halkan ka daawo sawiradii kulankadawlada Itobiya iyo ururka ONLF.

Wadahadlkaas oo ka dhacay dalka Jarmalka una gogol xaadhaya geedi socodka nabada ee ay ku kulmeen dawlada iyo ONLF.

Shirka waxaa isugu yimid dhamaan Jaaliyada Somalida Ogadeeniya ee gabalkaas, waxgaradka iyo culimaa,udin iyo aqoonyahano iyo waliba ururka dhalinyarada ee dhulka Somalida Ogadeeniya.

Waxaa shirka ka hadlay masuuliyiin ka tirsan ururka ONLF, oo iyagu halkaasi ka jeediyey khudbado muhiim ah oo ku saabsan geedi socodka nabada ee u dhaxeeya ururka ONLF iyo dawlada Itobiya.

Masuuliyiintii shirka ka hadlay waxaa ka mid ahaa;

1. Kornayl Ciin Axmed Faraax

2. Sayid Maxamuud Axmada Sagal

3. Xidig Cabdulaahi Sheikh

4. Xuseen Nuuriye Cagoole oo ah gudoomiyaha ururka dhalinyarada Ogaden gabalka Estan

5. Bashiir Bacoole

waxaa kale oo ka hadlay shirka iyo wadhadalka nabada odayaasha kala ah;

1. Sheekh Cabdulaahi Ismaaciil

2. Maxamad Cabdi Xiis Bayuur

3. Muxumad Cabdi Hayb iyo kuwa kale oo badan sawirada shirka halkan ka daawo

G warfaafinta Jaliyada onlf ee Estan

Mr xidiga

ogaden.info

Jaaliyada Ismaamulka Somalida Itobiya ee Denmark oo Taageertey Heshiiska ONLF iyo Itobiya
Jaaliyadda Somalidda Etoobiya ee ku nool wadanka Denmark waxay si diiran u soo dhawaynaysaa Wadahadalkii nabadda ee dhexmaray Ururka ONLf  iyo dawladda dhexe ee Ethiopia. Shirkan oo maalintii sabtiga ee 12-06-2010 ka dhacay wadanka Jermalka , magaaladdiisa Frunkafort ayaa waxaa labadda dhinac ku heshiiyeen Xabad joojin . Wufuuda shirka ka qaybgalayey ayaa kusugnaa madasha shirkqa muddo 2 maalmood ah, wxaana halakaas laysku dhaafsaday qoraalo iyo ducomentiyo taabanaya meelo badan : Siyaaasadda, arimaha bulshadda, iyo kuwo kale oo badan. Labada wafti ayaa dhamaan is ku afgartay qodobaddii lasooqaaday.

Ururku wuxu mar labaad soo dhawaynayaa hanaanka nabadda ee ubilaabmay urururadda siyaasadda iyo dowladda etoobiya iyo midda degaankaba. Hadddii aan nahay Jaaliyadda somalaidda Etoobiya ee Danmark waxaan hanaanka nabadda iyo wadahdalka u aragnaa jidka kali ee lagu xasilin karo xaaladda deeganka, laguna gaadhi karo horumar iyo deganaanta uu ubaahan yahay shacabka Soomaalida Ogadenia .

Ugu danbayn, waxay Jaaliyadda denmark urajaynaysaa wadahadalkan bilowday inuu noqdo mid midho dhala, laguna gaadho hadafka iyo himiladda la tiigsanoyo ee Nabadeed.

G/ Jaaliyada Ismaamulka Somalida Itobiya ee Denmark

Dhuux  Cabdi  Cumar

Ogeysiis: Shir ay Qabanayso Midawga Jaaliyadaha Jubaland oo ka Dhici Doona Birmingham
Waxaa dhammaan jaaliyadda Jubaland ee waddanka UK lagu wargalinayaa in ay ka soo qayb galaan shir balaadhan oo aad loo agaasimay oo ay ka soo qayb galayaan maamulada Jaaliyadaha Jubaland ee wadamada Holland, Sweden, Norway iyo Denmark.

Shirkan wuxuu ka dhacayaa magaalada Brimingham ee dalka Ingriiska, bisha May 1, 2010, waxaana lagu soo bandhigi doonaa qorshaha Jubaland iyada oo halkaas lagu soo bandhigi doono warbixinadii ugu danbeeyey ee Jubaland iyo doorka jaaliyadaha.

Cinwaank: 15 Whitmore Road, Birmingham, B10 0NR.

Saacada:  13pm-20pm.

Sidaas iyo ka soo qayb gal wacan

Qaxootiga Somalida Ogadeniya ee dalka YEMEN oo Kulan Muhiim ah ay Wada Qaateen UNHCR
Dalka Yeman ayaa waxaa uu ka mid yahay dalalka ay joogaan qaxooti badan oo ka soo carary dhulka Somalida Ogadeeniya, kana mid ah qaxootiyo ka kala yimid Qoomiyado badan.

Qaxootiga Somalida Ogadeeniya ayaa isagu ahaa mid marna la raaciyo Qaxootiga Somalida ah marna Qaxootiga Itobiyanka ah, sidaasina waxaa ay xuquuqdii Qaxootinimo ku la,aayeen mudo dhawr sano ah.

Hadab, dadaal dheer oo ay sameeyey dadweynaha Qaxootiga ah ee ka soo cararay dhulka Somalida Ogadeeniya, ayaa waxaa uu keenay ay Qaxootiga Somalida Ogadeeniya ee dalka Yeman ugu dambayntii helaan in loo aqoonsado Qaxooti ka yimid dhulka Ogaden.

Dhalinyarada Qaxootiga ah, ayaa waxay in badan qoraalo cabasho ah u gudbinayeen Hayadaha, UNHCR, ADRA,ICRC iyo IDF oo ka hawlgala dalka Yeman. Hayadahan ayaa haatan u aqoonsaday in ay dalka Yeman joogaan Qaxooti badan oo ka yimid Ogaden, una baahan la siiyo waraaqaha aqoonsiga qaxootinimo.

Hayyada UNHCR, ayaa waxay siisay dadkan qaxootiga ah ee ka yimid dhulka Somalida Ogadeeniya Xarun Jaaliyadeed oo ay dadka Qaxootiga ahi ku kulmaan dhibaatadoodana isugu sheegaan.

Hadaba maalintii shalay ayaa waxaa dhacay kulankii ugu horeeyey ee Qaxootiga Ogaden, kulkankaas oo ay ka soo qayb galeen, masuuliyiinta Jaaliyada Somalida Ogadeeniya ee Yeman, xubnaha Jaaliyada, dad badan oo Qaxooti ah iyo masuuliyiinta Hayada UNHCR.

Kulankaas oo ay Masuuliyiinta Hayada UNHCR ku sheegeen in haatan wixii ka dambeeya si gaar ah loo liistayn doono Qaxootiga ka soo cararay dhulka Somalida Ogadeeniya. Waxaale oo ay masuuliyiintu sheegeen in Qaxootiga ugu badan dalalka geeska afrika uu yahay Qaxootiga Somalida Ogadeeniya oo isagu u adkaysan waayey dhibaatooyinka u gaysato xukuumada Itobiya.

Dhinaca kale masuuliyiinta Jaaliyada Somalida Ogadeeniya ayaa dhankooda mahad uga celiyey hayada UNHCR, sida ay wax uga qabatay qaxootiga Ogaden ee aan meela lagu tirin jirin, hadase ah dad is uruursan kara waxna is tari kara.

Ogaden.info

Kulan Lagu Xusuusanayey Naftiihure Dr. Mohamed Siraad Dolal oo Kenya ka Dhacay
Shir si wanaagsan loo soo agaasimay oo lagu xasuusanayey Naftood hurayaashii Halganka ay wado ONLF buddhigaha u ahaa, kuna shahiiday oo ka dhacay degmada Dhadhaab, waqooyi bari ee Kenya.

Daawo Sawirada Shirka. Degmada Dhadhaab oo ka kooban sadex xaafadood oo isu dabo jeedis ah, ayaa waxay hoy u tahay boqolaal kun oo qaxooti ah oo ka soo cararay cariga Somalida Ogadeeniya, dadkaas oo qaarkood ay yihiin qaxootigii 1977, qaarna ay yihiin qaxooti cusub oo ilaa maanta ku qulqulaya halkaasi, cadaadiska kaga imanaya Itobiya dartiis.

Waxaa si xad dhaaf ah u jooga dalka Kenya N/hurayaal u yimid sababo kala duwan, oo ay ugu badan tahay Jwxo-shiil iyo dhibaatooyinka uu N/hurayaasha kula kacay.

Kulanka maalintii January 17, 2010, ka dhacay Dhadhaab ayaa waxaa uu ahaa mid ayna u kala hadhin dadweynaha degan Dhadhaab. Dadka ka soo qayb galay ayaa waxay ahaayeen xubnaha Jwxo, taageerayaalka Jwxo iyo wax garadka degmada Dhadhaab, dhamaan dadkani waxaa laga dareemayey wajiyadooda taageerada ay u hayaan halganka uu horseedka ka yahay maanta Golaha Sare ee ONLF iyo sida ay ugu xun yihiin ilaa iyo maanta dilkii foosha xumaa ee loo gaystay halgame Dr. Dolal iyo Jamaal Dheere.

Waxaa ugu horeynba kulanka hadalo furitaan iyo soo dhaweyn isugu jira ka soo jeediyey shir gudoonka Axmed Dheere, oo ah xubin gole dhexe ee ONLF, waxaana uu Axmed uga mahad naqay ka soo qayb galayaashii shirka is xilqaanka ay muujiyeen iyo sida ay ugu dhago nugul yihiin halganka Ogadeeniya.

Sheekh Maxamuud Caabi Cabdulahi oo ah sheekh caan ah ahna kana mid ahaa Jabhadihii 1977, ayaa waxaa isna halkaasi aayado Quraan ah iyo hadlo wacdi ka soo jeediyey kulanka ka dhacay degmada Dhadhaab.

Waxaa hadalkii qaatay, halgame Maxamuud Maxamed Haaji oo ah xubin golaha dhexe ee ONLF, ahan wakiilka Afrikada Bari u fadhiya Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeeniya [Jwxo], ayaa waxaa uu halkaasi ka jeediyey taariikh nololeedkii Dr. Maxamed Sirad Dolal, hadalkaas oo runtii qiiro galiyey dadka jecel halganka Somalida Ogadeeniya, Haajir waxaa uu yidhi “Dr. Dolal waxaa uu ahaa malaa,ig loo soo diray Ogadeeniya, nasiib daro waxaa uu shahiiday isaga oo aan gaadhin hadafkii halgan ee uu lahaa, dhamaystirka halganka waxaa looga baahan yahay da,a yarta Somlida Ogadeeniya ee maanta nool”.

Cabdi Xareed Cabdi Xasan Khaliif, oo isaguna ku hadlayey magaca N/hurayaasha ayaa hlkaas ka soo jeediyey hadal qiiro leh waxaana uu yidhi “N/huruhu waa ruuxa ugu qiimiga badan bulshada, haduu nool yahay iyo haduu dhintaba, waayo waxaa uu xambaarsan yahay taariikhda ummada” Mudane xareed waxaa uu sharxay N/hurayaasha jooga Bariga Afrika in ayna ka daalin halganka, laakiin ay halkan ku yimaadeen dhibaatooyin uu abuuray Jwxo-shiil. Waxayna wadaan sidii ay halganka ugu soo celin lahaayeen dhabihiisii kana saaraan sumcad xumada uu Jwxo-shiil gayeysiiyey halganka Somalida Ogadeeniya.

Suldaan Kaahin Cali, ayaa isna ka sheekeeyey aqoontii shakhsiyadeed ee uu u lahaa Dr. Maxamed Sirad Dolal, isaga oo aad ugu amaanay dad iyo dal jacaykii uu lahaa N/hure Dr. Dolal.

Ugu dambayntii waxaa hadal dheer oo ku saabsan halganka iyo meesha uu maanta marayo soo jeediyey Axmed Nuur Yusuf Ali. Mudane Yusuf oo ahaa xubin ka tirsan N/hurayaasha Jwxo, waxaa uu yidhi “halgankii ay Jwxo waday maanta waxaa uu marayaa meel adag, waxaana uu u baahan yahay wax qabad weyn ka dib markii uu dhibaato aan laga soo waaqsan karin u gaystay ninka maanta loogu yeedho [Jwxo-shiil] Maxamed Cumar Cisman”. Mudane Yusuf waxaa uu ku baaqay in taagero buuxda la siiyo golaha sare ee Jwxo oo iyagu ku hawlan dabo qabashada halganka la hambooriyey.

Daweynihii meesha isugu yimid ayaa waxay aad uga maqsuudeen kullanka oo waji xamaasad leh ku dhamaaday ugu dambayntiina loogu duceey N/hure Shahiid Dr. Dola iyo Jamaal Dheere oo labadooduba si aan mudnayn loogu dilay gudaha Ogadeeniya, sanadkii ina dhaafay bilowgiisii.

Kol dhaw ayaan idiin soo daynaynaa masawiradii shirka

Ogaden.info

Shirar Xus ah oo ka Kala Dhacay Garsia, Dhadhaab iyo South Afrika
OI: Wararka naga soo gaadhay Bariga Afrika ayaa waxay sheegayaan in ay ka dhaceen dalka Kenya shirar dhawr ah oo lagu xusuusanayey Halgame Dr. Maxamed Sirad Dolal oo ku shahiiday Ogadeeniya bilowgii sanadkii inaga dhamaaday.

Shirka ka dhacay Dhadhaab oo ahaa shir aad loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay, dadweyne aad u badan iyo N/hurayaal badan oo iyagu ku sugan halkaas.

Shirka waxaa soo abaabulay Jaaliyada JABSO oo uu saldhigeedu yahay dalka Kenya, waxaa Jaaliyada ka garab shaqaynayey xuno sare oo ka tirsan GS-ONLF oo iyagu ku sugan halkaas.

Waxaana khudbado ka jeediyey halkaas xubno ka tirsan golaha sare oo ay ka mid yihiin, Axmed shahiid, Axmed Dheere iyo qambalaf, waxayna halkaas ka soo jeediyeen waxqabadkii halgan ee Dr. Maxamed Sirad Dolal. Waxaa kale oo halkaas si weyn loogu xusay Jamal Maxmed Odol oo ay shirka goob joog ka ahayd afadii uu ka tagay.

Waxaa kale oo iyana shirka warbixino ku saabsan halgankii dheeraa ee uu soo galay Dr. Dolal ka soo jeediyey gudoomiyaha JABSO, oo aad ugu nuuxnuuxsaday in Jaaliyada JABSO ayna marnaba iloobi karin Halgamayaashi si mucaamada ah loogu dilay gudaha Ogadeeniya.

Waxaa iyaguna dhinacooda khudbado guubaabo ah oo ku saabsan halganka iyo halgamaaga hakaas ka soo jeediyey N/hurayaal iyagu halkaas jooga

Ogayaasha Jaaliyada oo iyagu ka mid ah dadka halganka hore uga soo shaqeeyey haatana la garab taagan taageero ayaa dhinacooda sheegay in uu ~Ina Cumar Cismaan ka dhex baxo halganka Ogadeeniya si ay ummadu wax u qabsat.

Shirka ayaa ku soo gabo gaboobay jawi aad u wanaagsan oo ka duwan shirarkii ka dhici jiray halkaasi.

Dhinaca kale waxaa shirar kuwan la mid ah ay ka dhaceen magaalada Garisa iyo South Afrika oo aanu iyagana idiin soo gudbin doono sida ay u dhaceen.

Ogadfen.info