Sharciga Itobiya Wuxuu Khasbi in Wariyeyaashu ay Cadeeyaan Meelaha ay Wararka ka Heleen
by Ogaden Info on 06/02/10 at 11:31 pm
Itobiya oo soo saartay sharci cusub oo ay ugu talo gashay sida ay sheegtay argagixisada, sharcigaas oo galka ka siibay xuquuqda wariyeyaashu in ay ilaaliyaan meelaha ay warka ka helaan, wasiir ka tirsan dawlada ayaa ku sheegay warsaxaafadeed ay soo saartay maanta oo Sabti ah.
“Sharciga la dagaalanka argagixisadu wuxuu diirayaa xuquuqda wariyeyaasha in ayna qarinin meelaha ay warka ka helaan, marka ay ka warbixinayaan argagixisada” wakaalada wararka ee ENA waxay hadalkaas ka soo xigatay wasiirka isgaadhsiinta Itobiya Shimeles Kemal.
“Sharcigan cusub ee laalaya xuquuqda wariyeyaasha wuxuu mudnaanta siinayaa baaxada halaag ee uu sababi karto argagixisadu” ayuu intaasi ku daray hadlkiisa.
Waxaa laga soo xigtay guddiga ilaalinta wariyeyaasha, in hal wadan oo kale oo Afrkan ah kaliya uu xidho wariyeyaal ka badan kuwa Itobiya ay xidho, todobaadkii hore oo kaliya ayaa la xidhay qoraa wax ka sheegay R/wasaaraha.
Hayada xuquuqda Aadanaha ee loo yaqaan [Human Right Watch] ee uu saldhigeedu yahay New Yorka, ayaa ka hadashay saamaynteeda, ka hor intii aan la ansaxinin sharcigan sanadkii hore. Arinkaas oo ay ka walaacsan tahay in qaar ka mid ah xirfadleyaasheed ay saxaafada qaranku bartimaameedsato.
Waxaa kale oo uu masuulkaasi yidhi “wariyaha waraysanaya siyaasi mucaarad ah ama taageere kooxaha mucaaradka ah ee hubaysan wuxuu awoodaa in uu dhiiri galiyo argagixiso, kolka uu si cad u daabaco aragtida kuwa la waraystay.”
Dawlada Itobiya argagixiso waxay ku sharxdaa ama u taqaan ururada mucaaradka ah ee sanooyin badan kula dagaalamaya gabalada Ogaden iyo Oromo oo ah ONLF iyo OLF.
Xigasho AFP

Leave a Comment