Halgamaagu ma Dhinto: Taariikh Nololedkii Maxamed Diiriye Uur-doox

by Ogaden Info on 05/02/10 at 3:09 am

Halgamaagu ma Dhinto: Taariikh Nololedkii Maxamed Diiriye Uur-doox

Todobaadkii hore ayey ku beegnay dhimashadiisii, Eebow kuu naxariiso waxaa uu ka mid ahaa aasaasayaashii Jabhada Xoreynta Somali Galbeed oo si weyn uga dagaalantay dhulka Somalida Ogadeeniya, kana xoreysay gumaysiga Itobiya 95%, muddo muddo 10 bilood ah.

Maxamed Diiriye waxaa uu ku dhashay Degmada Dhuxun ee gabalka Nogob sanadkii 1935, isla Dhuxun ayuu ku dhameystay waxbarashada Dugsiga H/Dhexe, tacaliintii sarena magaalada  Beledweyne ee Gobolka Hiiraan dalka Somaliya, Kuliyada culuunta siyaasada ee dalka Sudan ayuu ka qalin jabiyey 1963.

Halgame Maxamed Diiriye Uur-doox, waxa uu wax ka asaasay Jabhadii Gobanimadoonka Nasrulahi oo u dagaalantay xoreynta  dhulka Somalida Ogaadeeniya. Mudane Uur-doox, waxa uu xafiiskii ugu horeeyey ee ay yeelato Jabhadaasi uu ka furay Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdishu sanadkii 1963, waxa uu xafiiskaas ka waday hawlo Jabhadeed ilaa iyo intii laga abuuro, ururkii Nasrulaahi oo uu madax ka noqday Mudane Maxamed Xaashi Xidhkayoome, ururkaas oo uu ugu dambayntii madax ka noqday Mudane Makhtal Daahir. Nasrulaahi intii ay jirtay waxay dagaalo xoog leh kula gashay Itoobiya dhulka Somalida Ogadeeniya.

N/h Maxameyd Diiriye waxa uu ka mid noqday madaxda sare ee ururkii Nasrulahi waxaana uu noqday hogaanka gaashaandhiga kaas mudo ka dib uu Makhtal Daahir noqday Hogaanka gaashaandhiga ee ururkii Nasrulahi. Mudane Diiriye waxaa uu ahaa dadka aadka u yar ee uu daacada ahaa xoreynta dhulka Somalida Ogadeeniya, waxaana uu dhintay isaga oo wali halgan ku jira.

Ka dib kolkii uu burburiyey ururkii Nasrulahi khilaaf maamul dartiis xili uu madax ka ahaa Halgame Makhtal Daahir iyo iyada oo taageeradii milatari ee ay Somaliya siin jirtay uruka joojisay, ayey masuuliyiintii ururku ku dhex milmeen dadweynaha Jamhuuriyada Somaliya. Madaama uu ahaa nin tacliin leh mudane Diiriye waxaa uu shaqo ka helay dalka Somaliya.

1965/8, N/hure Diiriye waxa uu macalin ka noqday Dugsiga sare ee Degmada Marka gabalka Sh/Hoose, Somaliya. Sanadkii 1968, waxaa loo badalay Degmada Jiriiban, waana uu diiday shaqadana uu ka tagey.

Intii uu macalinka ahaa Mudane Diiriye, marna maskaxdiisa kama ayna bixin xal u raadinta dhibaatada dhibaatada gumaysi ee haysta dadkiisa, isaga oo og in ayna jirin cid uga fara dhuudhuuban u hiilinta dadkiisa dulman.

Hadaba, sanadkii 1969, dhalashadii kacaankii Milatariga ee Soomaalida, Mudane Uur-doox, waxa uu ka hadley Idaacada R/Muqdishu, waxana uu u Hambalyey isbedelka ka dhashay dalka Somaliya aad ayuuna ugu farxay, waxana uu sugayey in xukuumada milatari ee xukunka qabsatay ay gacan ka siindoonto baadidoonka dhulka Somaalida Ogaadeenya.

Sanadkii 1972, waxa uu martiqaad ka helay N/hure Maxamed Diiriye wadamada Carabta qaarkood kol uu qoraal codsi ah u gudbistay sida; Yamen, Qadar, Baxreyn, Imaaraadka Carabta, Liibiya, Aljeeriya, Kuwayt, Siiriya iyo Ciraaq, dhaqdhaqaaqaas siyaasded waxa ku xumaaday xidhiidhkii u dhaxeeyey dawlaladii kacaanka ee Soomaaliya iyo Jabhada.

December 9, 1972 Magaalada Muqdishu waxa ka tagay wafdi Jabhada Nasrulahi oo casuumad ka helay dalal carbeed uuna hogaaminayey N/hure Maxamed Diiriye. waftigu waxay mareen dalalka kala ah; Yamen waxayna codsadeen in dawlada Yeman ka kaalmayso dhanka tababarka ciidamada iyo dhaqaale. December 10, 1972, waxay waftigu la kulmeen wakiilka dawlada Yaman ee Jabhadaha Mudane Cusmaan Mxamed Salax, waxaa kale oo ay la kula kulmeen halkaasi gudoomiyahii Jabhada Eretaraya Saalax Sabri, dawalada Yaman ayaa xiligaasi u sheegtay in ay garab siineyso, laakiin guddi hubsata hawlaha Jabhada, dawlada Yaman aad ayey u daneyneysay Jabhadii Nasrulahi.

December 11, 1972, waxay tageen Dalka Qadar, caasimada Dooxa waxaana halkaas ku qaabilay wasiirada arrimaha dibada iyo warfaafinta Asayid saccid al qabaashi iyo Alsayid ciisa Kawaari, waxayna halkaasi ugu sheegeen taariikhada halkanka Jabhada iyo dhamaan Xaalada Ummada Soomaaliyeed waxayna weydiisteen Taageero hagar la`aan.

December 13, 1972, waxay tageen dalka Baxreyn iyaga oo la kulmay wasiirka Arrimaha dibada Alsheekh Maxamed Bin Mubaarak Al khaliifa ninkas oo xiligaas Soomalida aad u jeclaa, kulankasi waxaa la joogay Dr.Suleymaan Adajaan oo Soomaaliya Mudo badan ku noolaa, aqoon dheer u leh. Dawlada Baxreyn waxay u balan qaadey taageero, waxay kale oo ay la kulmeen Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliya oo la odhon jiray Saalax Cige.

December 15, 1972, waxay tageen Kuwait, waxaana qaabilay wakiilka arimaha dibada Rashiid Cabdi Casiis Rashiid, waxay Dawlada Kuwait u balan qaaday taageero dhaqaale, waxaa kale oo ay la kulmeen wasiirka arimaha Dibada Sheikh Sabax Jabir Al-Axmed waxa uu u sheegay in taageero hagar la,aana la siin doono, waxaa kale oo ay la kulmeen Jaliyada Soomaaliya Sheekh Cumar Xaajio Muuse.

December 17, 1972 wafdiga waxay aadeen dalalka Ciraaq, Suuriya, Imaaraadka, Tuniisiya iyo Aljeeriya oo ay kuligood is af garad kala kulmeen. siiba dalka Siiriya oo isagu aad gacan u siinayey Jabhado badan oo la dagaalama Itobiya.

December 28, 1972 ayey wafdigii uu hogaaminayey Mudane Uur-doox dib ugu soo laabteen Magaalada Muqdisho, nasiibdaro waxaa habeenimo gurigiisa lagala baxay Mudane Maxamed Diiriye Uur-doox waxaana laga warhayn meel uu ku xidhan yahay December 30, 1972 ilaa iyo December 19,1979.

February 5, 1980 ayaa Mudane Maxamed Diiriye warqad u qoray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre Qoraalka ayaa sidan u qoraa:

Dawlada Soomaaliyeed waxay ku guuldareysatey in Madaxbanaaneyso Jabhada gobonomadoonka Soomali Galbeed oo ay iyagu aayahooda ka tashadaan, waxaa kale oo ay Dawladu cabudhisaa siyaasiyiin Soomaaliyeed. Waxaan Madaxweynow kaa codsanayaa in xukuumadaadu faraha kala baxo talada Jabhada xoreynta Soomaali Galbeed.

warqadaas waxaa gacanta laga saaray Madaxweynaha, xaashidaas daraadeed mar labaad aya xabsiga laanta buuro loo taxaabay February 6,1980, kalkaas oo uu lix bilood lagu hayey. Waxaa  xabsigaas laga soo daayey 1982, isaga oo aan bil joogin ayaa waxa loo doortay xogahayaha Jabhadii WSLF shirkaasi waxa uu ka dhacay degmada Afgooye.

1982 N/hurre Maxamed diiriye waxa uu noqdey Xoghayihii guud ee Jabhada WSLF waxa u bilaabay in uu dardar iyo dib u habeyn cusub ku sameeyo hogaanada gudaha iyo dibada ee jabhada.

waxa uu magacaabey wakiilada arrimaha dibada ee jabhada wslf

1. Cabdisalaan Daly wakiilka Iraq
2. Cabdullahi Mxamed Sacdi wakiilka Kuwait
3. Maxmed Cumar Xamow Wakiilka Syria
4. Mukhtaar Sheekh Maxamed Wakiilka Libiya
5. Cumar Maxamuud Sadiiq Wakiilka Aljgeria

Mudane Maxamed Diiriye waxa uu bilaabey in uu joogto u kormeero xarumaha Jabhada. Mudo yar ka dib waxay dawladu ku soo rogtay in uu xabsi ku ahaado gurigiisa, Jabhadana waxay u magacaabey Sheikh Cabdi Nasir Xaaji Aden. Mudane Diiriye waxa uu waydiistay in magangalyo siyaasadee siiyaan Safaaradaha Masar, Siiriya iyo Maraykanka, Mareykanka ayaa codsigiisa aqbalay, Diiriye waxa uu xushay in sadde xubnood oo guddiga fulinta ka mid ahaa in ay raacaan, nasiibdara mid ka mid ah seddexdaas ayaa fashilay qorshihii oo ninkaas oo dawlada hoosta kala shaqayn jiray.

Mudane Maxamed Diiriye waxa uu talo ku lahaa asaasidii Jabhada ONLF oo la aasaasy August 15, 1984, lug weyn ayuu Mudane Diiriye kulahaa Barnaamijka siyaasadeed ee Jabhada wadaniga xoreynta Ogaadeynya, ka dib xabsi ayuu galay ilaa 1991 burburkii dawlada Soomaalida.

waxa muddo 8-sanno ku noolaa Dhoobley, intaa ka dib xaalada Caafimaad ayuu Nairobi u tagay, xanuunkaas oo ku dhaliyey xabsigii iyo jirdilkii .

ugu danbeyntii waxaan la iloobi karin hadal uu ka jeediyey shirkii dardar galinta ahaa ururka ONLF  May 1, 2005, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Eebahay wax lagu mahadiyo weeye kolba hadii dadkii halganka la dagaalami jiray ay maanta rabaan in ay halganka ka qayb qaataan.” Hadalkaas waxaa uu ula jeeday baa la yidhi Maxamed Cumar Cismaan.

Halkaas ayaanu ku joojinaynaa inta aanu ka helayno arimo kale oo ku saabsan waxqabadkii halgan ee Maxamed Diiriye Uur-doox.

F.G  Taariikh Nololeedka Marxuumka waxaan ka waraystay Shaafici Raabi Kaahin Uur-doox.

waxaana na soo gaadhsiiyey

Abdikarim Aden Hussein.
abdikarimhussein@hotmail.com
Nairobi, Kenya.

One Comment

bisharo

Feb 11th, 2010

Allaha u naxariisto Adeer Maxamed Diiriye, idinkana aad iyo aad ayaad ugu mahadsantihiin warbixinta aa naga sii seen, iyo sida uu Adeer halganka uga qaybgalay waligay ma ogeen inuu intaas oo dhan xabsi ku jiri jijiray.
mahadsanidin

Leave a Comment