Shirar Xus ah oo ka Kala Dhacay Garsia, Dhadhaab iyo South Afrika

by Ogaden Info on 18/01/10 at 1:55 am

OI: Wararka naga soo gaadhay Bariga Afrika ayaa waxay sheegayaan in ay ka dhaceen dalka Kenya shirar dhawr ah oo lagu xusuusanayey Halgame Dr. Maxamed Sirad Dolal oo ku shahiiday Ogadeeniya bilowgii sanadkii inaga dhamaaday.

Shirka ka dhacay Dhadhaab oo ahaa shir aad loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay, dadweyne aad u badan iyo N/hurayaal badan oo iyagu ku sugan halkaas.

Shirka waxaa soo abaabulay Jaaliyada JABSO oo uu saldhigeedu yahay dalka Kenya, waxaa Jaaliyada ka garab shaqaynayey xuno sare oo ka tirsan GS-ONLF oo iyagu ku sugan halkaas.

Waxaana khudbado ka jeediyey halkaas xubno ka tirsan golaha sare oo ay ka mid yihiin, Axmed shahiid, Axmed Dheere iyo qambalaf, waxayna halkaas ka soo jeediyeen waxqabadkii halgan ee Dr. Maxamed Sirad Dolal. Waxaa kale oo halkaas si weyn loogu xusay Jamal Maxmed Odol oo ay shirka goob joog ka ahayd afadii uu ka tagay.

Waxaa kale oo iyana shirka warbixino ku saabsan halgankii dheeraa ee uu soo galay Dr. Dolal ka soo jeediyey gudoomiyaha JABSO, oo aad ugu nuuxnuuxsaday in Jaaliyada JABSO ayna marnaba iloobi karin Halgamayaashi si mucaamada ah loogu dilay gudaha Ogadeeniya.

Waxaa iyaguna dhinacooda khudbado guubaabo ah oo ku saabsan halganka iyo halgamaaga hakaas ka soo jeediyey N/hurayaal iyagu halkaas jooga

Ogayaasha Jaaliyada oo iyagu ka mid ah dadka halganka hore uga soo shaqeeyey haatana la garab taagan taageero ayaa dhinacooda sheegay in uu ~Ina Cumar Cismaan ka dhex baxo halganka Ogadeeniya si ay ummadu wax u qabsat.

Shirka ayaa ku soo gabo gaboobay jawi aad u wanaagsan oo ka duwan shirarkii ka dhici jiray halkaasi.

Dhinaca kale waxaa shirar kuwan la mid ah ay ka dhaceen magaalada Garisa iyo South Afrika oo aanu iyagana idiin soo gudbin doono sida ay u dhaceen.

Ogadfen.info

Leave a Comment