Qaxootiga Somalida Ogadeniya ee dalka YEMEN oo Kulan Muhiim ah ay Wada Qaateen UNHCR

by Ogaden Info on 23/01/10 at 2:17 am

Qaxootiga Somalida Ogadeniya ee dalka YEMEN oo Kulan Muhiim ah ay Wada Qaateen UNHCR

Dalka Yeman ayaa waxaa uu ka mid yahay dalalka ay joogaan qaxooti badan oo ka soo carary dhulka Somalida Ogadeeniya, kana mid ah qaxootiyo ka kala yimid Qoomiyado badan.

Qaxootiga Somalida Ogadeeniya ayaa isagu ahaa mid marna la raaciyo Qaxootiga Somalida ah marna Qaxootiga Itobiyanka ah, sidaasina waxaa ay xuquuqdii Qaxootinimo ku la,aayeen mudo dhawr sano ah.

Hadab, dadaal dheer oo ay sameeyey dadweynaha Qaxootiga ah ee ka soo cararay dhulka Somalida Ogadeeniya, ayaa waxaa uu keenay ay Qaxootiga Somalida Ogadeeniya ee dalka Yeman ugu dambayntii helaan in loo aqoonsado Qaxooti ka yimid dhulka Ogaden.

Dhalinyarada Qaxootiga ah, ayaa waxay in badan qoraalo cabasho ah u gudbinayeen Hayadaha, UNHCR, ADRA,ICRC iyo IDF oo ka hawlgala dalka Yeman. Hayadahan ayaa haatan u aqoonsaday in ay dalka Yeman joogaan Qaxooti badan oo ka yimid Ogaden, una baahan la siiyo waraaqaha aqoonsiga qaxootinimo.

Hayyada UNHCR, ayaa waxay siisay dadkan qaxootiga ah ee ka yimid dhulka Somalida Ogadeeniya Xarun Jaaliyadeed oo ay dadka Qaxootiga ahi ku kulmaan dhibaatadoodana isugu sheegaan.

Hadaba maalintii shalay ayaa waxaa dhacay kulankii ugu horeeyey ee Qaxootiga Ogaden, kulkankaas oo ay ka soo qayb galeen, masuuliyiinta Jaaliyada Somalida Ogadeeniya ee Yeman, xubnaha Jaaliyada, dad badan oo Qaxooti ah iyo masuuliyiinta Hayada UNHCR.

Kulankaas oo ay Masuuliyiinta Hayada UNHCR ku sheegeen in haatan wixii ka dambeeya si gaar ah loo liistayn doono Qaxootiga ka soo cararay dhulka Somalida Ogadeeniya. Waxaale oo ay masuuliyiintu sheegeen in Qaxootiga ugu badan dalalka geeska afrika uu yahay Qaxootiga Somalida Ogadeeniya oo isagu u adkaysan waayey dhibaatooyinka u gaysato xukuumada Itobiya.

Dhinaca kale masuuliyiinta Jaaliyada Somalida Ogadeeniya ayaa dhankooda mahad uga celiyey hayada UNHCR, sida ay wax uga qabatay qaxootiga Ogaden ee aan meela lagu tirin jirin, hadase ah dad is uruursan kara waxna is tari kara.

Ogaden.info

Leave a Comment