Jaaliyada JABSO oo Sanadkii Tagay Qiimaynta Jaaliyaadka Kaalinta Kowaad Gashay
by Ogaden Info on 10/01/10 at 8:31 pm
Jaaliyada JABSO oo sanadka dhamaaday ka gashay Jaaliyadaha Somalida Ogadeeniya kaalinta kowaad, hawlkarimada ay samaysay JABSO awgeed ayey Jaaliyaadka ku dhaqan wadamadda Europe iyo North America, sidda USA,Canada, Ingriiska,Jarmalka, Denmark, Norwey, Sweden, Finnland, Holand, Switzerland,Belgium iyo Italy waxaa farxad weyn noo ah in ay Jaaliyadka reer Ogaadeeniya ee Bariga Afrika ku dhaqan dadaal weyn ay wado, kaas oo ah mid aad loogu diirsado.
Masuuliyiinta Jaaliyadda ee Geeska Afrika waxay sanadkii 2009 muujiyeen karti iyo dadaal oo aan wax la barbar dhigi karo uusan jirin. Dadaalka ay muujiyeen ayaa ka mid ah in ay dhaq dhaqaa iyo dardar hor leh ay ka galeen Magaalooyinka ay ku dhaqan yihiin, oon loo baahnayn in halkan lagu sheego magacyadooda.
Geesigii Shahiiday Dr Moahmed Sirad Dolal wixii ka dambeeyay, waxay Jaaliyada Bariga Afrika noqotay, tii ugu firfircoonay intii uu Halganka Xoreynta Somalida Ogaadeeniya uu socday.
Jaaliyadda Bariga Afrika ku dhaqan ayaa Sanadkii 2009 Calanka Jaaliyaadka hanatay,waxayna ku hanatay ficil iyo wax qabad ay la timid.
Sanadkan 2010 waxaa la filayaa in ay Jaaliyaadka intooda badan ay tartanka Jaaliyaadkan ay ka qayb gali doonaan iyaga oo mujinay hawlaha ay Jaaliyaadku lee yihiin, uruurinta dadweyaha Somalida Ogadeeniya iyo la socodka xaaladaha ka jira dhulka Somalida Ogadeeniya. Waxaa la saadaalin karin, Jaaliyada sanadkan qaadi doonta dadaalka Jaaliyaadka, sida haatan Jaaliyada Bariga Afrika Calanka iyo qiimaynta Jaaliyaadka ugu guulasatay.
Sidaas oo kale waxay Jabhadda Waddanaiga Xoreynta Ogaadeeniya iyo Madaxda Golaha Sare ee
JWXO tahniyad u dirayaan Masuuliyiinta aan daalin iyo Xubnaha Jaaliyadda Bariga Afrika oo dadaal xoog leh ka muujiyay goobaha ay ka hawl galaan.
Sidaas si la mid ah, waxaa Jaaliyaadka reer Ogaadeeniya meel kasta oo ay joogaanba ku
boorinaynaa inay wax qabadkooda laban laabaan, si Miraha xoriyadda ay u dhadhamiyaan
ee ay raadinayaan.
ogaden.info

Leave a Comment