Golaha Sare ee JWXO oo ku Hawlan Dardar Galinta Hawlaha Jabhada
by Ogaden Info on 15/01/10 at 11:01 pm
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Nairobi, ee dalka Kenya ayaa sheegaya in golaha sare ee ONLF hogaamadiisa jooga Afikada Bari, ay ku hawlan yihiin qabashada sanad guuradii 1aad ee ka soo wareegtay dilkii Dr Maxamed Siraad Dolal oo 17 kii Bishii January 2009, lagu dilay gudaha dhulka Somalida.
Hoggaanka Warfaafinta Golaha ee ONLF Cabdullahi Ibrahim Bihi, ayaa ku amaanay dhankiisa ku amaanay hawsha iyo shirarka ka dhacay Nairobi laguna sameeyey maamulka Jaaliyada Bariga Afrika ee Golaha sare oo wadi doona shaqada golaha sare ee ONLF
Shirar badan oo ay jaaliyadda JABSO ee Golaha sare ay ku qabteen magaalada Nairobi ayaa lagu dooray masuuliyiinta jaaliyadda JABSO ee geeska Afrika waan sidan magacyada masuuliyiinta Jaaliyada JABSO ee loo dhisay magaaada Garisa:
1. Cabdirashiid Cali Guhaad waxaa loo doortey Guddoomiye
2. Maxamed Faarax Filig: Hogaanka Arimaha Bulshada
3. Maxamed Xaaji Ismaaciil: Hogaanka Arimaha iyo diinta
4. Ardo Sh Maxamed Khalif:Hoggaanka Dhaqaalaha
5. Eeddo Siraad Caydiid: Hoggaanka Wardoonka iyo siyaasadda.
Shirkan oo ka dhacay magaalada Nairobi 2dii bishan January waxaa daadihinayay guddoomiyaha jaaliyadda Afrikada bari ee JABSO Maxamed Jaceyl iyo xubno kale oo ka tirsan saraakiisha Golaha sare oo uu ka mid ahaa Maxamed Cabdi Qanbalaf oo isugan warbixin dheer ka jeediyey goobtaas iyada oo halkaas lagaga dooday arimaha u yaalla Golaha sare sida samaynta maamulada golaha sare ee Bariga Afrika.
Maamulkan cusub ee Golaha sare ka sameeyey magaalada Nairobi ayaa loo xilsaaray in ay soo qabtaan shir lagu xusayo sanad guuradii 1aad ee ka soo wareegtay dilkii gudoomiyihii ONLF Dr. Dolal. Waa markii ugu horeeysey ee Golaha Sare ee ONLF ay ka sameeyaan maamul dhamaystiran oo matala Jaaliyada Afrikada Bari tan iyo intii Khilaafku hadheeyey ururka ONLF ayna noqdeen laba garab; Garabka Maxamed Cumar iyo Garabka Dr Maxamed Siraad Dolal oo ka dib dhimashadiisii gudoomiye loo doortay Eng Salaaxuddiin Macoow.
Wararka ka soo baxa shirarka iyo xusida N/hurayaalkii u shahiday qadyada Somalida Ogadeeniya dib ayaanu idiinka soo sheegi doono.
Ogaden.info

Leave a Comment