Geeri Naxdin Leh: Toogasho Lagu Diley Saddex Nin oo Somali ah Minneapolis
by Ogaden Info on 07/01/10 at 6:05 pm
Innaa Lillaahi Wa innaa Illaahi Raajicuun:Jaaliyada Somalida Ogadeeniya meel kasta oo ay joogtaba waxay tacsi u diraysaa, eheladii iyo qoyskii ay ka geeriyoodeen Mahad Cabdi Xaaji Warfaa iyo Cabdifataax Xuseen Xaaji Warafaa, oo habeenkii xalay ahayd ay niman budhcad Somali ahi ku dileen Minneapolis.
Waxaa toogasho lagu diley Minneapolis saddex muwaadhin oo ka soo jeeda dhulka Soomaalida Ogadeeniya. Saddexdan nin ee ku geeriyooday toogashadan oo labo ka mid ah ay isku qoys yihiin, waxaanu helay magcyada labada wiil ee walaalaha ah: Mahad Cabdi Xaaji Warfaa iyo Cabdifataax Xuseen Xaaji Warfaa.
Toogashadan ayaa waxaa la xaqiijinayaan in ay ka dambeeyaa budhcad Somali ah [Somali gangs], Boolisku waxay u badinayaan arintan in ay tahay mid la xidhiidhay dhac iyo boob ay budacdu ku doonaysay in ay dhacaan dukaan ay labada wiil gadayeen.
Ninka saddexaad oo aanaan wali magaciisa helin, ayaa waxaa la xaqiijiyey in ay qaraabo ahaayeen wiilasha walaalaha ah ee la dilay.
Booliska Maraykanka ayaa waxaa uu baadhitaan ku hayaa sidii ay gacanta ugu dhigilahaayeen gacan ku dhiiglayaasha Somalida ah ee budhcada ah.
Guud ahaan bulshada Somaliyeed ee ku degan dalka Maraykanka ayaa aad uga argagaxsan dilka loo gaystay muwaadhiniintan oo ahaa kuwa lagu yaqaaney wanaag badan bulshada dhexdeeda. Booliska gobolka ayaa xayiray goobtii dilkanu ka dhacay isla markaana wad baadhitaan adag oo ay ku baadi goobayaan dadkii falkan geystey.
Dhamaan shaqaalaha iyo maamulka bogga Ogaden.info meel kasta oo ay kala joogaanba waxay tacsi u tiiraanyo leh u dirayaan ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxeen saddexda muwaadhin, waxayna sidaas oo kale Eebbe naxariistiisa uga baryayaan in labadoodaba janadii geeyo.
Ogade.info

Leave a Comment