Ciidamada Meel ku Gaadhka ee Ina Iley oo Toogasho ku Dilay Wiil Yar

by Ogaden Info on 21/01/10 at 1:56 am

[Qabri-bayax - S/Ogadenia], ciidamada meel ku gaadhka ee Ina Iley ayaa toogasho ku dilay wiil dhalinyaro ah oo ka mid Qaxootiga ay UNCHR ku xanaanayso degmada Qabri-bayax.

Wiilka dhalinyarada ah ayaa hormarayey xarun ay ciidamadani ku lee yihiin degmada Qabri-bayax, lama oga sababta keentay dilka wiilkan. Dilka ay ciidamadani sameeyaan ayaa ah mid ay iskaga shabaaxaan dadka iyaga oo aan wax sababa u haynin dilka.

Dhibaatooyinka ay ciidamadani ku hayaan shacabka ayaa noqotay xad dhaaf oo maalin walba ka dhacda magaalooyinka dhulka Somalida Ogadeeniya.

Wiilka ay shalay ku dileen Qabribayax, ayey madkiisa UNHCR u soo qaaday Jijiga halkaas oo maanta lagu xabaalay, magaca wiilka dhintay ayaanaan wali helin.

Ogaden.info

Leave a Comment