Zenawi oo soo dhaweeyey cunaqabateynta

by Ogaden Info on 25/12/09 at 3:58 pm

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi ayaa soo dhaweeyay cunaqabteynta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku soo rogtay Eritrea.

Zenawi waxa uu sheegay in beesha caalamku ay garawsatay kaalinta iyo siyaasadda xasilooni darrida ku dhisan ee Eritrea, sida uu yiri, oo ay go’aansatay inay tallaabo ka qaado.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia waxa uu sheegay in cunaqabateynta lagu soo rogay Eritrea ay wax ka tari doonto xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

Dalalka Ethiopia iyo Eritrea ayaa waxa ka dhexeysa colaad muddo dheer soo taagneyd, iyadoo labada dhinac uu dagaal ba’an dhex marayay muddo laba sano ah dabayaaqadii sagaashameeyadii.

Leave a Comment