Xukuumada Itobiya oo Dadweynaha Gabalka Doolo ku Amartay in ay Baneeyaan Dhul Daaqsimeed Balaadhan

by Ogaden Info on 29/12/09 at 3:54 pm

Jijiga – Ogadeeniya [December 28, 2009], wararka ka imanaya magaalo madaxda gabalka Doolo ee Wardher, ayaa waxay xaqijinayaan Dawlada Itobiya Tigray ay wado qorshe balaadhan oo ay ku doonayso in ay kula wareegto dhul daaqsimeedka ay ku nool yihiin xoola haqatada reer miyiga ah.

xukuumada Itobiyaa ayaa waxay qorshan ugu yeedhay in ay degaanka Doolo kaga badbaadinayso nabaad guur ku yimaada. Xukuumada gumaysiga ayaa waxay wadaa qorshe balaadhan oo ay kaga rarayso dadka xoolo dhaqatada ah degaan aad u balaadhan, dhulkaas oo ay ugu talo gashan tahay in uu noqdo dhul ayna degi karin dadka reer miyiga xoolahooduna ayna daqi karin.

Qorshan ma aha sida ay u sheegayso xukuumada Tigray, balse waxaa ay ugu talo gashan tahay in dhamaan dhulka dariska la ah dhulka uu ku jiro shidaalka Somalida Ogadeeniya in ay ka dhigto lama degaan si ay uga suurto galaan qorshayaalka ay ku doonayso in ay ku soo saarto shidaalka.

Dadweynaha degaanka leh ayaa loo sheegay in ay ka guuraan degaankaas iyaga oo aan loo sheegin halka ay u guurayaan ama ay xoolaha ku dhaqan doonaan. Waxayna ku talo gashan tahay in ay ka suuliso dadka leh degaanka si ay ugu suurto gasho in ay soo dejiso dad ay ka keeni doonto buuraha sare ee Itobiya si ay u degaan shaqaalena uga noqdaan qoshayaasha ay ka damacsan tahay dhulkaas.

Waxaa jira xeer caalami ah oo aan ogolayn in xaqlaha dhulka leh si xoog ah ama xeeladaysan laggaga qaato isaga oo aan raali ka noqon ama aan laga siin magdhaw.

Itobiya ayaa aad ugu hamida in dhulka Somalida Ogadeeniya ayna cidna lahayn uuna yahay dhul kayd u ah dadka Itobiyanka ah ee degan dhulka sare,kuwaas oo aan iyagu haysanin meel ay degaan ama ay wax ka beertan iyo waliba in ay ka iibiso dhulka Somalida Ogadeeniya maal qabeeno ajnabi ah.

Si kastaba ha ahaatee waxan isha ku hayn doona dhawrka sano ee soo ocota hamiga Itobiya ee ku aadan sidii ay uga rari lahayd dadweynaha Somalida Ogadeeniya dhulkooda.

Leave a Comment