Jaaliyada Afrikada Bari ee Sooomaalida Ogaadeeniya [JABSO]

by Ogaden Info on 16/04/09 at 9:46 pm

Shirkii Jaaliyada Afrikada Bari ee Soomaalida Ogadeeniya oo socday 10 -14/4/2009 ayaa ku sooo gabagabooobay xerada qaxootiga ee gobolka woqooyi bari ee dalka keenya. April 15, 2009

Shirkii Jaaliyada Afrikada Bari ee Soomaalida Ogadeeniya oo socday 10 -14/4/2009 ayaa ku sooo gabagabooobay xerada qaxootiga ee gobolka woqooyi bari ee dalka keenya. Shirkaas oo lagu qabtay Xeradda Xagardheere ayaa waxaa ka soo baxay war murtiyeedkan.

Ogg: Gudoonka Golaha Sare ee [Jwxo]
Ogg: Wakiilada Jamhada Wadaniga Xoraynata Ogaadeeniya [Jwxo]
Ku: N/hurayaasha Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya
Ku: Dhamaan Shacabwaynaha Soomaalida Ogaadeeniya

UJEEDO

Ka dib markii la,ogaaday xaaalada qalafsan ee uu halganku galay ayaa Jaaliyada Afrikada Bari ee Soomaalida Ogaadeeniya ay isugu timid shirwayne looga arinsanhayo marxalada cusub ee uu halganku galay iyo isbadalada siyaasadeed ee geeska afrika. Waxaana shirwaynuhu ka dooday qodobo dhawr ah oo dhamaantood muhiim u ah halganka xaqa ah ee lagu jiro gaadhsiinta aaya ka tashiga shacabka Somalida Ogadeeniya. Waxaana dood dheer iyo falanqayn kadib laga soo saaray shirka war murtiyeedkan.

1. CADAYN

A] Waxaa uu shirwaynuhu cadaynayaa in uu barbartaagan yahay halganka xal u helida iyo aaya ka talinta shacabka Soomaalida Ogaadeeniya ee uu hoogaaminhayo golaha
sare ee jamhada wadaniga xoraynta Soomaalida Ogaadeeniya [jwxo].

B] Shirwanuhu waxaa uu cadaynayaa in uu garabtaagayahay N/hurayaasha geesiyiinta ah ee u diiday cadawga saama la luudka ah in uu ku naaloodo ciida Soomaalida
Ogaadeeniya.

C] Shirwaynuhu waxaa uu cadaynayaa oo aaminsan yahayna xal u helida iyo gaadhsiinta aaya ka tashiga dadyowga ku hoos dulman Itobiya ee uu ugu horeeyo shacabka Soomaalida Ogaadeeniya.

2. CANBAARAYN

A] Shirwaynuhu wuxuu si wayn u cambaaraynayaa taliska macangagga ah ee uu hogaaaminhayo kaligii taliye malise zinaawi oo ku caaan baxay gumaadka shacabka
Soomaalida Ogaadeeniya.

B] Waxaa kale oo uu shirku canbaaraynayaa siyaasadda guracan ee ku dhisan kala Qaybinta, barakicinta, isir sifaynta iyo cunaqabataynta shacabka aan
waxaba galabsanin ee Sooomaalida Ogaadeeniya.

C] Waxaan canbaaaraynaynaa cid kasta oo cadaw kalkaal ah una adeegaysa danaha guumaysiga iyada oo fulinaysa dana siyaaasadeed oo u gaar ah.

3. KASOOHORJEEDID

A] Shirwaynuhu waxaa uu si aan gabasho lahayn uga soo horjeedaa siyaasadda guracan ee lagu baabi,inayo shacabka soomaalida Ogaadeeniya laguna beerayo dad aan sinjiga Soomaalida lahayn oo aan u dhalan ciida Soomaalida Ogaadeeniya.

B] Waxaanu si cad ugga sooo horjeednaa siyaaasada qaawan ee lagu kala irdhaysiinayo shacabka Soomaalida Ogaadeeniya ee walaalaha ee laga lee yahay danaha khaas ah.

C] Wuxuu shirwaynuhu ka soo horjeeda abuurida colaaad sokeeye oo laga dhex abuuro bulshada Soomaalida Ogaadeeniya. Sidaas oo kale waxaa uu shirwaynuhu ka soo horjeeda colaada laga dhex beeray shacabka Soomaalida Ogaadeeniya iyo waliba shacabwaynaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah taas oo saamayn ku yeelan karta geedisocodka halganka Soomaalida Ogaadeeniya.

4. DIGNIIN

A] Waxaa uu shirwaynuhu uga digayaa cadawga macangaga ah ee kaligii talisnimada ku caan baxay ee TPLF in uu ka daayo dilka micno darada ah, dhaca, kufsiga iyo boobka uu ku hayo shacabka aan waxba galabsanin. Waxaan u sheegaynaa in xasuuuqa lagu hayo shacabka Soomaalida Ogaadeeniya uusan meeelbanaan dhicidoonin.

B] Waxaa uu shirwaynuhu u digayaa hangoolada cadawga ee maleega shirqoolada lagu majara habaabinayo danaha ummada Sooomaalida Ogaadeeniya.

C] Wuxuu shirwaynuhu uga digayaa shacabka Soomaalida Ogaadeeniya in ayna ku dhicin dabinada iyo shirqoolada guumaystaha itooobiya iyo waliba cadaw kalkaalka gacayaraha u ah ee fulinaya shiqoolada daahsoon.


Gabagabo iyo Gunaanad

Jaaliyada Afrikada Bari ee Somalida Ogadeeniya [JABSO]

Midnimo, Cadaalad, Iskutashi, Guul

Allaahu Akbar Allaahu Akbar.

Leave a Comment